Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis ayaa leh ilo dhigaal fara badan, fursadana u haya carruurta yar yar, qoysaskooda iyo daryeelayaashooda. Ilahaasi dhigaalka ayaa ugu adeega caruurta baahiyo kala duwan, kana caawiya u diyaarinta Kindergarten iyo waxyaabo dhaafsiisan.
Shaqaalaha Waxbarashada dhallaanka Aminka Hore ee dugsiyada Dadweynaha Minneapolis ayaa fahamsan in waalidku yihiin baraha koowaad uguna muhiimsan carruurtooda .waalidka ayaa ka qaata door muhiim ah koboca, korinta sixada leh ee inta aan ilmuhu da’da dugsiga gaarin. Ilmaha hela aasaas waxbarasho inta ayan heerka dugsiga gaarin, ayaa dugsiga yimaada iyagoo diyaarsan, xiisaynayana inay sii wataan waxbarashada.
Shan Jirsan (High Five)
Baaritaanka Hore ee Caruurnimada
U Diyaar-garow Xanaanada Caruurta
5 waxyaalood oo kaa caawinaya sidii aad u dooran lahayd Cid caruurta kuu haysa
La hadal, u akhri una qor ilamahaaga maalin walba!