HomeDirectoryCalendarStaff
ELL for Adults
Waxbarashada Ingiriisiga Dadka Waaweyn

Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis ayaa ka siiya Waxbarashada Bulshada Casharro Bartayaasha Luqadda Ingiriisiga  (English Language Learner Instruction through Community Education):

  • Fasallo Ingiriisi bilaw ah – Baro inaad maamusho baahidaada dug degga ah iyo waxqabadyada asaasiga ah. Ardayda ayaa barata aasaaska qoraalka, ayna ka mid tahay qalin qabsiga, erayada gaagaaban, bartana higgaadda iyo erayada mar walba la arko.  
  • Fasallo Ingiriisiga ee dhexe – Fasallada Ingiriisiga ee dhexe ayaa loogu talagalay ardayda fahmi karta erayada gaagaaban ee ay barteen ama erayada gaagaaban ee la xiriira erayada cusub. Waxaa laga yaabaa inay leeyihiin faham naxwe asaasi, ayna awoodaan inay akhriyaan jumlado fudud iyo jumlado sadar cusub ka bilawda (simple sentences and paragraphs).  
  • Fasallo Ingiriisi Horumarsan – Fasallada Ingiriisiga Horumarsan (Advanced ELL classe) ayaa loogu talagalay ardayda sida faseexadd leh ugu hadlaya Ingiriisiga. Waxay ugula xiriiri karaan siyaabo kala duwan xaaladaha bulsho iyo shaqo. Waxay bilaabayaan inay nuxurka macnaha kala soo dhex baxaan  qormada, una adeegsadaan qaab naxweed adag ama isku lakaban.  

Haddii aad macluumaad dheeraad ah u baahan tahay, wac 612.668.3700 ama 612.668.3800