Yoolkeenna:Yoolkeennu waa inuu arday kastaba fursad u helo inuu u gudbo barnaamijyo tayo leh ee Dugsiyada Dadweynaha Miniyaabolis.
Hannaanka Qorshaheenna:
Dugsiyadeenna:Dugsiyada Dadweynaha Miniyaabolis waxay sare u qaadayaan waxbarashada mustaqbalka Miniyaabolis. degmadu waxay waxbarashada ku ababisaa in ka badan 36,370 arday ee 45ta dugsiyada hoose, toddoba dugsiyo dhexe toddoba Dugsiyo sare, sideed dugsi ee waxbarashada Khaaska ah, sideed dugsiyo xulasho, 19 doorasho dugsiyo qandaraas ah iyo shan Dugsiyo Jaartarro ah.
Adeegyada:Xaruunta Qoysaska CusubQoysaska ku hadla luqad ka duwan Ingiriisida waa inay ka wacaan Xaruunta Qoysaska Cusub Lam. 612 668-3700, si ay u qabsadaan ballan si ay u ogaadaan adegyada luqadeed ee uu dugsi kastaba bixiyo iyo si ay ugu diiwaangaliyaan ilmahooda dugsi. Xaruunta Cusub ee Qoysasku waxay ku taalla 3345 Chicago Avenue South (Irridda weyn ee laga soo gelayo waxay ku taalla geeska 34th street & Chicago Avenue South).
Khadka Wargalinta WaalidkaKhadka wargalinta Waalidku wuxuu u oggolanayaan waalidiinta inay helaan xigta degmada maalin kasta 24saac, toddobada berri ee asbuuca, Waalidiintu waxay wici karaan mid ka mid ah afarta luqood (English, Spanish, Hmong iyo Soomaali) si ay u helaan macluumaad ku saabsan dhacdooyinka degmada, maalmaha jadwalka dugsiyada, wargelinta shirarka iwm. Farriimuhu waxay isbeddelaan labadii asbuuc mar ama hadba sida loogu baahdo.
Akhbaarta ugu dambaysay degmada oo Soomali ah wac la. (612) 668-8833
FAQ | Su’aalaha Inta badan La is-weydiiyoBeddelaadda Doorashada Dugsiga
Dugsiyada Dadweynaha Miniyaabolis| Abriil 2009
Dugsiyada Dadweynaha Miniyaabolis ayaa dib u dhigay waqtiga isbeddelka dugsiyada